XIRIIRKA IYO GUURKA

Talooyin Lamaaneyaasha Ka Caawinaya In Guurkoodu Waaro

Guurku ma ahan sariir ubaxyo leh, Waxaa jira caqabado aan dhamaad laheyn oo lammaaneyaasha ay kala kulmaan guurka.

Haddii aad dooneysiin in guurkiinu waaro, waxaa jira waxyaabo ay tahay inaad sameysaan.

Waa kuwaan 3 talo oo ay tahay inay qaataan lamaaneyaasha haddii ay doonayaan guur waara.

  1. Qorshe u sameey guurka

Sameey qorshe ku habboon guurkiina. Waxaad u baahantihiin inaad qorsheyaal dhaqaale aad u sameysaan guurkiina.

Guur qorshe la’aan ah uma badna inuu raago. Guurka wanaagsan waxaa lagu dhisaa kalsooni iyo go’aan.

  1. Baro sida loo xaliyo khilaafaadka guurka

Lamaane kasta waxay la kulmaan khilaaf xagga guurka ah. Waxaad u baahan tahay inaad ogaatid sida wax looga qabto noocyada kala duwan ee khilaafaadka ee ka imaan kara guurkaaga.

Marnaba ha iska indha tirin dhibaatooyinka guurka maadaama ay keeni karaan furriin iyo in lamaanuhu ay kala tagaan.

Haddii aadan garaneyn sida loo xaliyo khilaafaadka guurka kadib raadso  la-talin guur.

  1. Waligaa haku fekerin furriin

Waa wax caadi ah in lagu fekero furriin marka wax ay noqon waayaan sidii loo baahnaa. Waa inaadan ku fekerin gabagabeynta guurkaaga haddii ay wax u socon waayaan sidii aad rabtay.

Mar kasta raadi siyaabo lagu xaliyo arrimaha jira haddii arrimuhu u socon waayaan sidii loogu talagalay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid