XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Waxyaabood Oo Haweenku Aysan Ka Daalin Inay Ka Maqlaan Raggooda

Markay haweeneydu jeceshahay ninkeeda waxaa jira waxyaabo aysan ka daalin inay ka maqasho ninkaas marka laga reebo inuu ka been sheegaayo.

Mararka qaarkood ereyada oo lagu qaso ficilka waa waxa ugu macaan ee gabar kasta oo xiriir ku jirta ay ka rabto ninkeeda.

Waxan hayaa liista ereyada aysan gabdhuhu waligood ka daalin inay ka maqlaan nimankooda.

1 – Waad qurux badantahay

Haweeney kastaa waxay rabtaa in la qadariyo; Haweeney kasta waxay rabtaa inay noqoto mid gaar ah, haweeney kasta waxay rabtaa ninkeeda inuu ula dhaqmo sida gabadha ugu quruxda badan adduunka; Haddii aad u maleynaysid in ereyadu aysan haweeney ka farxin karin markaa uma sheegin iyada quruxdeeda iyo sida ay cajiib u tahay. Marwadaada ka dhig haweeneyda ugu quruxda badan noloshaada oo weligeed ma ilaawi doonto taas.

2 – Wax kasta ayaad iiga dhiigantahay

Waa tee gabadha aan rabin inay ninkeeda uga dhignaato wax kasta? Ma jirto gabar aanan rabin; Aqaanshaha in marwadaada ay tahay mid kugu weyn oo aduunka dhan adigoo heysto ay kaaga dhigantahay, waxay ka dhigi doontaa inay dareento in la jecel yahay oo la qiimeeyo. Marwo kasta waxay rabtaa inay wax walba u noqoto ninkeeda; haweenka kama daalayaan tan.

3 – Waxaad leedahay dhoola cadeyn qurux badantahay

Waxaa jira wax ku saabsan yeelashada dhoola cadeyn qurux badan; Waxay dadka ka dhigeysaa kuwo soo jiidasho leh. Dhoola cadeynta qurxoon waxay ka dhigtaa haweeney mid soo jiidasho badan oo haweenkuna way ogyihiin tan.

Haddii aad u maleynaysid in dhoola cadeynteeda ay tahay mid cajiiba kadibna iyadu marwalba way dhoolacadeyn doontaa.

4 – Nasiibkaa isiiyay inaan nolosha kugu helo

Ragga qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan in ereyadaas oo kale ay noqon karaan kuwo uu qofku dareemo inuu kan kale ka muhiimsanyahay ama ka sareeyo laakiin runtii ma aha; Waxay kaliya ku saabsan tahay iska dhaafida islaweynida iyo inaad gacalisadaada u qirto runtii inaad ku faraxsan tahay inaad nolosha ku haysato. Dumarka kama daalayaan maqalka tan iyadoo haweeney kasta oo runtii danayneysa ninkeeda sidoo kale ay ku dadaaleyso inay ka farxiso.

5 – Waanku jeclahay

Tani waxay taaj u tahay dhammaan; Marwo kasta oo aad jecel ninkeeda aad ayey u farxi lahayd haddii uu iyadana sidaas u jecelyahay. Ragga oo dhami ma ahan romantic, oo nimanka oo dhami kuma fiicna kalmadaha, sidaa darteed ninku inuu runtii jeclaado gabadha oo uu uqiro inuu jecelyahay ayaa xaqiiqdii dareensiineysa in la jecelyahay. Haweeney kasta oo xiriir ku jirtay oo aanan la jeclaan ayaa kuu sheegeysa qiimaha ay ereyadaas ugu fadhiyaan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid