XIRIIRKA IYO GUURKA

Lamaanahaagu Waa Inuusan Ku Weydiisan Inaad Sameyso Arrimahaan, Haddii Uu Ku Jecelyahay

Lamaanaha wanaagsan wuxuu leeyahay tayo gaar ah sida taageero, kalgacayl, aaminaad, iyo wax walba oo intaas ka badan.

Laamanaha si dhab ah kuu raba isla markaana qalbiga ku haayo danahaaga ugu wanaagsan, waa inuusan ku weydiin inaad sameyso arrimahaan.

1. Jooji shaqadaada

Arrintaan ayaa waxay intabadan ku dhacdaa dumarka. Marka lamaanahaaga uu ku weydiisto inaad joojiso shaqadaada iyadoo aysan jirin sabab la taaban karo oo keeneysa inaad shaqadaada iska dhaafto ama lamaanahaagu uu kaa dalbado inaad guriga joogtid oo gabi ahaan aad iska deysid shaqadaada.

Caadiyan, arrintaan ayaanan ahayn arrin wanaagsan.

2. Kahar saaxiibadaa iyo reerkaaga

Waa inaadan dareemin inaadan awoodin inaad aragtid saaxiibadaa ama reerkaaga ama inaad leedahay waqti xaddidan oo aad ku dhex gashid iyaga si aad waqti ula soo qaadatid.

Waa inaan lagaa jarin ehelkaaga iyo saaxiibadaa. Way wanaagsantahay in lamaanahaagu kaa dalbado inaad waqti badan la qaadatid si aad iskugu soo dhowaataan balse waa arrin kale marka uu isku dayo inuu xad u sameeyo qofka aad arki karto iyo goorta.

3. U tanaasulid xad gudub jireed

Lamaanahaagu waa inuusan marnaba ku weydiisan inaad beeniso ama aad qariso xadgudub jireed ama aad dusha saarato sababta waxa uu isaga ama ay iyada kugu sameysay.

Qof walba waa in lagula xisaabtamo ficilladiisa.

4. Dooro aniga ama qoyskaaga

Waa qalad weyn in lamaanahaagu uu ku galiyo xaalad noocaan oo ay tahay inaad kala doorato isaga, saaxiibadaa ama qoyskaaga

Waligaa haka yeelin lamaanahaaga inuu ku geliyo xaalad noocaan sababtoo ah waa arrin aad u xun, mana ahan wax uu sameeyo lamaane wanaagsan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid