XIRIIRKA IYO GUURKA

Ma heleeysid Jacayl Dhab Ah Illaa Aad Ka Aqbasho Saddexdaan Arrimood

Helitaanka jacayl dhab ah ma sahlana. Dad badan ayaa ku riyooda inay helaan qof qiimeeya inta noloshooda ka harsan laakiin waligood ma helaan.

Waxay u badantahay inaad adiga sabab u tahay dhibaatooyinkaaga. Waa inaad barataa inaad noqoto qof wanaagsan oo daacad ah haddii aad rabto inaad hesho jacayl dhab ah iyo farxad.

Ma heleysid jacayl dhab ah illaa aad ka aqbashid saddexdaan arrimood.

1. Waa inaad noqotaa qof wanaagsan si aad u hesho lammaane wanaagsan

Ma jirto hab aad ku heli karto lammaane wanaagsan oo kugu haboon, hadaadan ahayn qof wanaagsan.

Waa inaad hubisaa inaad tahay qof wanaagsan si aad u hesho qof wanaagsan oo si qotodheer kuu qiimeyn doona.

2. Garo xaduudahaaga

Waxaa jiraan xaduudo mar haddii arrinta ay ku saabsantahay jacayl. Waa inaad ku noolaataa xaduudahaan. Fahamsii lamaanahaaga ama qofka aad xiriirka la leedahay inaad qiimeyso xaduudiisa.

Haka tallaabin wadada ama xaduuda lamaanahaaga taasoo micnaheedu yahay haku xadgudbin lamaanahaaga. Taas badalkeeda ka leexo adigoo eegaya farxadda jacaylka.

3. Jacaylka dhabta ahi dhaawac ma keeno

Waxaa mar kasta jiri doona waqtiyo ay yimaadaan dhaawac aanan ulakac ahayn ama murugo —- xittaa adigoo la joogto kuwa sida dhabta ah kuu jecel. Taasi waa nolosha — qofna ma buuxi karo baahidaada oo dhan. Hadal aad tiri ayaa si qaldan loo qaadan karaa, waxaa laga yaabaa in lamaanahaaga uu wax la halgamayo ama ku dhibtoonayo— sidaa darteed waxaa lagaa doonayaa inaad garasho yeelato oo aadan u arkin dhaawac.

Jacaylka runta ah nolosha ayuu kugu caawiyaa — ma adkeeyo nolosha. Jacaylku waa taageeraha adduunyo uu culeys heysto.

Wax kasta oo nolosha quseeya ma aha dood ama loolan. Dadka dareen ahaan caafimaad qaba uma noola qaabkan.

Related Articles

One Comment

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid