RAAXADA

3 Siyaabood Oo Cajiiba Oo Kulanka Sariirta Joogtada Ah U Caawin Karo Guurkaaga

Lamaaneyaal badan oo isqaba ayaa yareysta ama quursada awoodda kulanka sariirta iyo faa’idooyinka wanaagsan ee uu guurka u leeyahay. Haddii kulanka sariirta loo isticmaalo si wanaagsan wuxuu gacan ka geysan karaa in xiriirka lamaanaha uu aad u xoogeysto isla markaana uu noqdo mid tiirar adag leh.

Hoos ka akhri 3 siyaabood aadan ogeyn oo kulanka sariirta ee joogtada ah u caawin karo guurkaaga isla markaana u xoojin karo jaceylka lamaanaha iyo tirarka guurka.

  1. Wuxuu adkeeyaa xiriirka lamaanaha

Kulanka sariirta waa mid si cajiib ah iskugu soo dhoweeya lamaanaha isla markaana adkeeya xiriirkooda. Inta aad kulanka sariirta kujirto jirkaagu wuxuu sii deynayaa dhacaan lagu magacaabo Oxytocin kaasi oo qofka galiya kalgacayl uu uqaado qofka uu raaxada lasameeyay.

4 Waxyaabood maalin kasta aad sameyso oo baabi’inaya awoodaada dhanka Sariirta

Sidaa darteed maxay tahay sababta aadan u adkeyneyn tiirarka guurkaaga maanta adinkoo bilaabaya raaxo joogta ah.

  1. Caafimaadka ayuu u wanaagsanyahay

Raaxada joogtada ah waa mid u wanaagsan caafimaadkaaga, markaad tahay caafimaad qab guurkaaga ayaa sidoo kale ka faa’idaya.

Raaxada joogtada ah waxay yareeysaa walbahaarka waana la ogyahay in walbahaarka uu si daran u saameyn karo guurkaaga. Haddii aad dareento inaad culustahay ama cayilantahay isla markaana lamaanahaaga aysan ku faraxsaneyn taas, waxaad kulanka sariirta u isticmaali kartaa mid aad cayilka iskaga baabi’iso.

  1. Waxaad dareemeysaa rabitaan

Marka lamaanaha ay wada raaxeystaan, gabadha ama wiilka wuxuu dareemayaa in xaaskiisa ama seygeeda uu rabo. Marka ninka oo kale howl uu qaban lahaa u joojiyo si uu kulanka sariirta ula galo xaaskiisa haweenka waxay dareemaan farxad weyn iyo rabitaan.

Marka haweenka ama ragga la tuso rabitaan, guurka ayaa sidoo kale ka faa’ida arrintaas.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid