XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Adagtahay Inay Gabadhu Ka Aqbasho Ninka Ay Xiriirka La Leedahay

Dumar badan ayaa galay xiriir khaldan iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya ‘qofna ma qummana ‘. Waxaa jira wax la aqbali karo, waxaana jira wax aan la aqbali karin.

Waa kuwan caadooyinka qaarkood oo aanay gabadhu ka aqbali karin ninka ay xidhiidhka leeyihiin.

Cudur daar aan kala go’ lahayn

Waxaa jira sabab fal kasta loo sameeyo, laakiin sabab kasta ma aha mid la aqbali karo. Marka ninku sii wado inuu marmarsiiyo u sameeyo mar kasta oo aanu sameynin sidii lagu heshiiyey, waxa uu samaynayaa oo dhan waa in uu ku tuso sida aanu u qaan-gaadhin.

Nin mas’uul ah oo diyaar u ah inuu mas’uul ka noqdo xiriirkiisa, wuxuu raadiyaa sidii aysan usoo noqon lahayn qaladaadkii hore isagoo aan dib u sameyneyn.

Ma xakameyn karo caradiisa

Xanaaqa ama caradu way adkaan kartaa in la xakameeyo, laakiin taasi waa waxa kala sooca ninka iyo wiil yar. Nin aan muuin karin waxa uusan ku faraxsaneyn ama caradiisa isagoo aanan qaylin ma wnaagsana.

Ma ilaaliyo ballanta

Waxaa jira farqi u dhexeeya ku guul dareysiga inaad la kulanto ama ooiso ballan waqtiga kama dambaysta ah sabab aad xakameyn weysay darteed, iyo inaad si fudud iskaga indhatirto ballanqaadyada.

Haddi ninka uu ballanta ugasoo bixi waayo culeys dhaqaale dartiis taasi waa wax la fahmi karo, si kastaba ha ahaatee, markuu yidhaahdo waqti hebel ama taariikh uu kuu qabto oo uu ku guuldareysto in ka badan hal mar, wax wanaagsan ma ahan.

Been

Waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen isku dayno inaan sheegno been yar, laakiin waa inaysan noqon dadka aan aad u danayno, aysana naga noqon mid mar walbo ah.

Nin aan ku kalsoonaan karin lamaantiisa inuu runta u sheego daacad ma ahan, mana mudna inuu la joogo.

Waligiis kaama hormariyo wax kale

Nin aan waligiis hal mar kaa hor marin shaqada, asxaabta iyo wixii lamida kuma jecla. Ninka naagtiisa daneeya wuxuu isku dayaa inuu ka farxiyo hadda iyo kadib si kasta oo jadwalkiisu u adag yahay. Haddii uusan hadda samayn, waxay u badan tahay in uusan waligiis sameyn doonin.

Wuxuu jecelyahay inuu ku guuleysto muranka

Fikradda ku doodista xiriirka maahan in lagu kala guuleysto, waa in wax laga oo la istoosiyo. Ninka aan ogolaan inuu qaldan yahay ama doodaada u arka sabab waa caruur oo aan qaan gaarin. Sidee buu qofku uga heli karaa qanacsanaan la doodista lammaanihiisa? Wax macno ah ma samaynayso.

Ku guul dareysiga qaadida masuuliyada

Qofka aan qaadi karin mas’uuliyadda falkiisa si fudud ma rabyo inuu qirto khaladaadkiisa. Taas macnaheedu waa inay u malaynayaan inay saxan yihiin. Waa khalad, mana rabtid inaad la degto nin noocaas ah.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid