XIRIIRKA IYO GUURKA

Tilmaamo Lagu Aqoonsado Marka Uu Ninku Ku Isticmaalayo (Waxaa Qortay Ifraax Shiino)

Sheeyga ugu adag ee la qaato ama la aqbalo waa runta, gaar ahaan haddii runta quseysa ninka aad xiriirka la leedahay ay kuu keneyso xanuun iyo dhibaato.

Balse waxaa taas kasii daran inaad ku noolaato madaxaaga oo ciid lagu aasay, taasoo ay la socto marmarsiyada ah sababta uu ninka kuugula dhaqmo sida uu isaga rabo. Miyaadan ka daalin?

Waa xanuun taas waxaana jiraan sababo ay tahay inaad uga daasho isla markaana aad daaqadda uga saarto ninka noocaas ah ee sidaa kuugula dhaqmo.

Kulama soo hadlo inuu wax kaa rabo maahane

Ragga qaar uma qalmaan noloshaada. Sabab? Haddii ay dhacdo in ninka uusan dhowr maalin kulasoo hadlin ama kusoo wicin, ma ninkaagi mustaqbalkaa? Ninka noocaas ah wuxuu kula soo hadlayaa kaliya marka uu doonayo inuu kaa dan gaaro ama kula raaxeysto amaba uu kaa qato lacag iyo waxyaabo kale, taasina waxay ku tusineysaa inuu kugu daneysanayo.

Mar kasta wuxuu kaa deynsadaa mana kuusoo celiyo

Ugu horeyn, ma jiraan wax qalad ah oo ku jira in lamaanaha ay wax iska qaataan. Waxay noqon kartaa lacag, gaari ama waxyaabo kale oo muhiim ah waa wax caadi ah.

Si kastaba, iska ilaali ninka lacag kaa qaata ama waxyaabo kale oo muhiim ah kadibna aanan dib kuugu soo celin. Nin la’aan dunida kama dhicin waxaad heleysaa nin nolosha aad qeybsataan isla markaana wax kugu soo kordhiya.

Mar kasta waxaad raadineysaa dareenkiisa

Ninka aad raadiso dareenkiisa ama la kulankiisa kadibna been iyo mar marsiyo mar kastaa kuu keena uma qalmo noloshaada gabaryahay.

Sababtu waxay tahay oo aad adiga xittaa dareemi ah kartaa in ninkaas uusan ku siineyn wax ahmiyad ah.

W/Q: Ifraax Shiino

Sweden Maalmo

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid