Home XIRIIRKA IYO GUURKA Haddii Lamaankaaga uu leeyahay Sifooyinkaan waa kan kugu habboon ee ha iska...

Haddii Lamaankaaga uu leeyahay Sifooyinkaan waa kan kugu habboon ee ha iska deyn

0

Waa noocee ninka kugu habboon? Maxay yihiin siffooyinka uu leeyahay?

Hoos ka aqriso

  1. Had iyo jeer wuuku faaniyaa

Waa nin had iyo jeer kugu amaana haddii uu awoodana kugu abaal mariya shaqooyin iyo howlaha aad qabatid, wuxuu sidoo kale u sheegaa qof kasta oo kuu dhow isagoo ku amaanaya kahor inta aadan adiga soo bandhigin sababtoo ah waa taageerahaaga ugu weyn ee kusoo xiga hooyadaa.

  1. Iskuma dayo inuu ku bedelo

Iskuma dayo inuu ku bedelo dabeecad ahaan iyo qaabka aa tahay waana nin si walba iyo cilad walba oo aad leedahay kugu raba, waana nin ku faraxsan cilad walba oo aad leedahay balse ma ahan nin xumaan kugu fiirsada.

  1. Naftuu kuu huraa

Waa nin had iyo jeer ku faraxsan guushaada haddii ay noqon lahayd shaqo cusub oo aad heshay ama inaad iskuul ama jaamacad ka qalin jabisay waxa uu sidoo kale diyaar u yahay kuna faraxsanyahay in shaqo walba uu heysto haddii aad awoodid uu booskaa ku baneeyo.

4 . Waxa uu kuu wadaa goobaha aad jeceshahay.

Kuguma xiro inaad masuul ka noqotid wax walba, wuxuu xasuustaa waxaad sheegtay ama aad rabtid haddii ay noqon lahayd inaad aadid maqaayad cusub ama meel cusub u dalxiis tagtid waana garabkaaga mar kasta waa nin u taagan inuu farxadaada ilaaliyo.

5.. Aad ayuu ugu dhowyahay qoyskaaga

Waxa uu xiriiriyaa aabahaa, hooyadaa, iyo ayeeyadaa isagoo aanan ka labalabeyn, waana qof aad u qiimo badan ninka dhaqankaas leh oo xiriiriya waalidkaa iyo walaalahaa.

Previous articleHaweeney isdishay markii ninkeeda uu ka been abuuray geeridiisa
Next article5 Faa’ido Oo Ay Leedahay Cunitaanka Kalluun Badan (Waxyaabo Lama Filaan Ah Oo Laga Helo)