XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Haweeneydu Rabto Inaad Subax Kasta U Sameyso Balse Aysan Kuu Sheegeyn

Dumarka badankood waxay ku riyoodaan inay guursadaan nin jacayl leh laakiin dhammaantood ma helaan rabitaankooda. Ka nin ahaan waa inaad…

Dumarka badankood waxay ku riyoodaan inay guursadaan nin jacayl leh laakiin dhammaantood ma helaan rabitaankooda.

Ka nin ahaan waa inaad noqotaa nin jaceyl leh. Sidee ku noqon kartaa nin kalgaceyl leh? Hagaag, maqaalkaan wuxuu ka hadlayaa afar waxyaabood oo jaceyl ah oo aad u sameyn kartid xaaskaaga subax kasta.

Dumarku Kuu sheegi maayaan inay doonayaan waxyaabahan laakiin way qiimeynayaan kuna farxayaan haddii aad u sameysid.

Waxyaabaha soo socda waa waxyaabaha ay haweeneydu kaa rabto subax kasta laakiin kuuma sheegi doonto inay rabto:

1. Si tartiib ah u dhunko

Dumarka badankood, wax ay ka jecelyihiin malahan inay hurdada ka kacaan raggooda oo dhukanaya. Marka maxaad sugeysaa? Dhunko xaaskaaga subixii, runtii way ku farxeysaa.

Marka haweeneydu faraxsantahay guriga guud ahaan had iyo jeer wuu faraxsan yahay. haweeney faraxsan waa guri faraxsan, ayaa la dhahaa.

2. Si tartiib ah u toosi subaxdii

Qaabka aad u kiciso xaaskaaga waxay saameyn ku yeelaneysaa waxyaabo badan oo xiriirkiina ah. Qofna ma jecla in si qallafsan loo toosiyo. Had iyo jeer tixgeli taas.

Ma jeclaan doontid in lagugu soo toosiyo laad, qasab ama qaab kedis ah midkood. Baro dabaccsanaanta markaad ka kicineyso xaaskaaga.

3. Salaan kal iyo laab ah

Ku dheh “Subax wanaagsan.”, culeys malahan inaad ku dhahdid subax wanaagsan.

Ku dhihida xaaskaaga subax wanagsan oo kal iyo laab ah markay subixii soo toosto waxay ka caawineysaa inay niyad wanaagsan kusoo toosto.

Kaliya ha ku dhihin “subax wanaagsan”, weydii iyada siduu habeenkeedu ahaa iyo waxyaabo kale oo la mid ah. Waxyaabahan yaryar ayaa caawinaya guurkiina.

4. Ku dheh ereyada saameynta leh: “Waanku jeclahay”

Erayadu saamayn ayey leeyihiin, ereyada waqtiga saxda ah lagu hadlo ama la adeegsado ayaa leh saamaynta ugu badan.

Qiyaas inaad maqasho erey gaar ah isla marka aad toosto; haddii eraygaasi wanaagsan yahay, hubaal waxaad ku dareemeysaa niyad wanaagsan.

Baro inaad ku dhahdo xaaskaaga “waan ku jeclahay” maahan oo kaliya markay toosto laakiin maalinta inteeda badan. Runtii waxay caawin laheyd guurkaaga.

Waxyaabaha kor ku xusan waa qaar ka mid ah waxyaalo badan oo dumarka intooda badani rabaan inaad u samayso subax kasta laakiin kuuma sheegayaan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid