XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Haddii Aad Calaamadahan Ku Aaragto Ninka Waa Inaad Guursataa

Ragga oo idil waxay raadiyaan qof ku qaali ah oo ay farxad ka heli doonaan inay nolosha la wadaagaan.
Sideed ku garan kartaa haddii ay micno kuu leedahay inaad nolosha la wadaagto ninkaas?
Hoos ka aqriso 16 calaamadood oo aad ku garaneysid inaad heshay nin u qalma inaad guursatid.

1. Waadku faraxsantahay la joogiisa iyo xilliyaad waqtiga la qaadaneyso.

2. Markaad niyad jabsantahay waa qofka aad rajeysid inuu kula joogo.

3. Dareen ayuu siiyaa wuuna dhageystaa waxaad usheegto.

4. Naftiisa ayuu huraa si uu u arko adigoo faraxsan oo dhoolla cadeynaya.

5. Xiriir kasta waxa uu leeyahay waqtiyo xun balse waad ogtahay inuu yahay ninka aad ku qasbantahay inaad guursato marka waqtiyada wanaagsan ay ka bataan kuwa xun.

6. Wuxuu kugu jecelyahay shaqsiyadaada iyo sida aad tahay.

7. Dhib malahan sideey xad ka bax u yihiin riyooyinkaaga waa kan had iyo jeer kugu taageera.

8. Si buuxda ayaad ugu kalsoontahay.

9. Had iyo jeer isha ayuu kugu hayaa, kaama dhargo kaana xiisa dhaco.

10. Waa qofka ugu horeeya ee aad wacdo markaad hesho war wanaagsan iyo mid xun.

11. Daacad ayuu kuu yahay.

12. Uma aragtid jacaylkaaga kaliya balse sidoo saaxiibka kuugu wanaagsan.

13. Xasuusta kuugu wanaagsan waa waqtiyada aad la qaadatay isaga.

14. Nolosha mid micno leh uma aragtid la’aantiis.

15. Wuxuu ku qaadaataa cilladahaaga dhibna uma arko.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid