LAYAABKA

LAYAABKA: Haweeney Sabab Yaab Leh U Dhex Gashay Godkii Ninkeeda Oo Geeriyooday Lagu Aasi Lahaa

Dadkii kasoo qeyb galay duugta oo ka dhacaysay Bahati oo ka tirsan magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa aad u yaabay kadib markii haweeneyda carmaladda ahayd ee ninkeeda la doonayay in la aaso ay diiday aaskiisa.

Haweeneyda carmaladda ah oo lagu magacaabo Mary Wangari, ayaa dalbatay inaan seygeeda la’aasin illaa dadkii dilay seygeeda laga soo xirayo lagana xukumayo.

Wangari, oo ay la socdeen labada wiil ee la dhalatay ayaa tagay goobta ay ka dhacaysay duugta ee godka laga qufay iyagoona dhex galay godka gudihiisa.

Arrintaan ayaa waxa ay dhalisay buuq iyadoo qoyska ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Edward Mwangi, ay isku dayeen inay la dagaalamaan Wangari iyo walaalaheed.

Dadaalo ay sameeyeen odayaal doonayay inay xaaladda ku qaboojiyaan ayaa fashilmay.

Arrintaan layaabka lahayd ayaa soctay ku dhwaad 6 saacadood.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay inay duugta dhacdo kadib markii ay haweeneyda carmaladda ahayd si awood ah looga saaray godkii.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid