XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 6 Meelood Uu Ninka Kaa Taabto Iyo Sirta Ku Jirta Arrintaasi

Marka nin ku taabo, wuxuu dirayaa farriin. Haddii aad isha ku heyso waxaad ogaaneysaa qaabka uu saaxiibka kuu taabto inaysan lamid ahayn qaabka ninka ku rabo uu kuu taaban lahaa.

Meel kasta uu kaa taabto micno ayay leedahay.

Waa kuwaan qaar kamid ah meelaha caadiga ah ee uu ninku kaa taaban doono iyo micnaha ay leeyihiin.

  1. Wajiga

Wajiga waa meesha ugu horeysa ee soo jiidata ragga, sidaa darteed haddii uu madax kaa aado si uu u taabto waxay ka micno tahay inuu ku jecelyahay isla markaana uu doonayo inuu aad kuugu soo dhawaado.

Haddii uu faruuryaha aado isla markaana uu si aqyaarnimo ah u taabto faruryahaaga, waxay ka dhigantahay inuu doonayo wax qotto dheer sida, shumis iyo wax kasii badan.

2. Timaha

Nin kasta uma imaan doono inuu taabto yimahaaga. Ninku waa mid taaban kara timahaaga sababtoo ah wuxuu u maleynayaa inay wax wanaagsan tahay ama uu qiimeynayo quruxdaada.

Si kastaba, haddii uu umuuqdo mid ku raaxeysanaya taabashada timahaaga mar kasta, waxay ka dhigantahay inuu doonayo inuu kuusoo dhawaado ama aad, aad ugu soo dhawaato.

  1. Lugaha

Ragga badankood waa kuwo ka hela haweenka lugohooda. Haddii uu gacmihiisa saaro bawdada ama gacmaha ku salaaxo, shaki kuma jiro inaad jir ahaan usoo jiidatay.

Wuxuu ogyahay in bawdada ay yihiin meelo soo jiidasho leh wuxuuna sidoo kale ogyahay waxa taabashada ay ku sameyneyso jirkaaga.

  1. Sinaha

Sabab? Waxaan ula jeedaa, wuxuu taaban karay qeybo kale oo kamid ah jirkaaga balse wuxuu doortay sinaha. Haddii uu tan sameeyo, si xun ayuu kuu rabaa wuxuu doonayaa inaad fahamto luuqadda.

  1. Wuxuu kaa taabtaa dhabarka

Wuxuu si fudud kuugu sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu kuu heelanaado. Waana astaan taageero adag ah balse waxay sidoo kale noqon kartaa qiimeyn.

  1. Gacmaha

Maalin kasta ayaa gacmaha la is qabsadaa balse haddii ninku si taxadar leh gacmihiisa uu ugu qabto kuwaaga, micno ayay leedahay taas.

Gaar ahaan haddii uu si toos ah indhaha kuugu eego isla markaana uu gacmahaaga haayo muddo dheer, wuuku jecelyahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid