Wax Ka Ogoow Cudurrada Halista Ah Ee Qaruhu Uu Ka Hortagi Karo

Qaraha waa qudrad macaan oo qof kasta u wanaagsan. Qudraddan ayaa la ogyahay inay ka buuxaan maadooyin badan oo muhiim ah sida, Vitamin A, Vitmain C, carotenoids, lycopene iyo sidoo kale macdanta kala ah, magnesium iyo potassium oo dhammaan si guud ugu wanaagsan caafimaadka.
Sida laga soo xigtay qubarada caafimaadka, qaadashada qare kugu filan ayaa kaa caawineysa ka hortagga ama xittaa inaad iska daaweyso cudurradaan.
- Cudurada Wadnaha
Cudurada wadnaha waa cudurro caadi ah oo ku dhaca dad cuna cunooyinka ay dufanka ku badanyihiin.
Sida ay sheegtay healthline.com, maadada lycopene eek u jirta qaraxa ayaa kaa gacan siinaya hoos u dhigidda Kolestaroolka iyo dhiig karka oo ah kuwa sababa cudurrada wadnaha.
- Kansarka
Sida laga soo xigtay medicalnewstoday.com, Qaraha waa antioxidants kaamil ah oo ay ku jiraan heerarka fitamiin C-ga ee sareeya kuwaas oo kaa caawin kara la-dagaallanka waxyaabaha keena Kansarka.
Ragga qaata qare ku filan ayaa la sheegay inaysan halis badan ugu jirin inuu ku dhaco Kansarka qanjirka ee (Prostate) taasoo looga mahadcelinayo Lycopene oo ah maado cajiib ah oo ku jirta qaraha.
- Kalyaha ayuu u wanaagsanyahay
Kalyaha waa xubno muhiim u ah jirka. Markii aanan si wanaagsan loo daryeelin waxaa ku dhci kara dhibaatooyin.
Sida laga soo xigtay organicfacts.net, qaraha waxaa lagu yaqaanaa inuu yareeyo heerarka aashitada uric ee dhiiga sidaa darteedna yareynaysa fursadaha dhaawaca ee kelyaha.
Potassium-ka ku jira qaraha ayaa la ogaaday inay saaraan waxyaabaha sunta ah eek u jira Kalyaha.