XIRIIRKA IYO GUURKA

Betty Kyallo oo la arkay iyadoo la joogto ninka Soomaaliga ah ee ay xiriirka leeyihiin (Sawirro)

Laba todobaad kadib markii baraha bulshada lagu shaaciyay in Cali Nuur Maxamed uu yahay ninka Soomaaliga ah ee la haasaawaya gabadha wariyaha caanka ah ee Betty Kyallo ee u shaqeysa telefishinka K24 blasé uu iska fogeeyay, Majaajiliistaha caanka ah ee Eric Omondi ayaa lamaanayaasha ku arkay hotel Lavish.

Muuqaal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa ka muuqday labada lamaane ee Betty iyo ninka Soomaaliga ah ay saaxiibka yihiin oo ku sugan hotel-ka.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanayay labada lamaane oo aad u xishoonaya iyadoo Eric uu aad ugu dhowaaday kuna qasbay Betty inay wajahdo Kaamiradda.

Si, kastaba, ninka Soomaaliga ah ayaa aad u xishooday isla markaana diiday inuu eedo kaamiradda kana tagay meesha.

Si kastaba, Eric Omondi ayaa saacad kadib muuqaalka ka tirtiray bartiisa Twitter-ka.

Balse muuqaalka Betty iyo ninka Soomaaliga ah ee ay saaxiibada yihiin ayaa waxaa wali laga daawan karaa barta uu Instagram-ka ku leeyahay Seth_Gor.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanaya Betty, ninka xiriirka ay leeyihiin, Eric Omondi, Mc Antonio iyo dad kale.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid