XIRIIRKA IYO GUURKA

Jacaylku kama dhigo guurka mid shaqeeya, saddexdaan waxyaabood oo ka dhigo mid shaqeeya

Jacaylka ayaa la sheegay inuusan aasaas u ahayn guurka isla markaana uusan ka dhigin mid shaqeeya.

Waxaa u baahantahay wax kabadan jacayl si aad qofka ula qaadato dhammaan maalmaha noloshaada ka dhiman.

Guurarka guuleysta ayaa lagu dhisaa saddexdaan arrimood ee hoos ku xusan:-

1. Aqoon

waxaad u baahan tahay aqoon badan si ay kuugu suurtagasho inaad la noolaato qofka aad ugu yeerto Seeygaaga ama Xaaskaaga.

Aqoonta waxay kaa caawineysaa inaad ogaato sida nin iyo naag ay u macaamilayaan. Aqoontu waxay sidoo kale kaa caawineysaa kuna bareysaa baahiyaha aasaasiga ah ee ninka taasoo ah ixtiraam iyo baahida haweeneyda oo iyadana sidoo kale ah ixtiraam iyo jacayl.

Hubi inaad akhriso buugaagta ka hadlo guurka isla markaana aad ka qeyb gasho siminaaro kaa caawin doona inaad guurkaaga ka dhigto mid shaqeeya.

2. Isfaham

Run ahaantii halkani waa meesha aad ku fahmeyso sida loo ixtiraamo ninkaaga ka haween ahaan iyo sida kalgacayl loogu muujiyo xaaskaaga ka nin ahaan.

Waa inaad hindistaa qaabab hal abuur leh oo aad ku sameyneyso sidaas. Aqoontu waxay ku siineysaa fahamkaas.

3. Waxgaradnimo

Waxaad u baahantahay inaad noqoto qof caaqil ah si aad ula tacaamusho  Xaaskaaga ama seygaaga si wanaagsan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid