XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Tahay Inaad Ogaato Kahor Intaadan Shukaansan Haweeney Oohin Badan

Qalbi jilicsanaanta ama Oohinta ayaa la sheegay inay tahay hab lagu sii daayo shucuurta gudaha. Dadku way ooyaan laakiin waxaa jiraan haween badan oo si caadiya u ooyaya intabadan.

Markay noqoto shukaansiga dumarka noocaas ah, waxaa jira waxyaabo badan oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato iyaga.

Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabaha ay tahay inaad maanka ku heyso markii aad shukaansaneyso haweeney aad u ooysa ama qalbi jilicsan.

1. Sababaha oohinteeda ayaa mararka qaar noqon karta wax layaab leh

Haweenka mar kasta ooya ayaa mararka qaar kaa yaabin kara maadaama ay dabeecad u leeyihiin oohinta xittaa ay u ooyaan waxyaabo yaab leh.

Si. kastaba, waxa qofku u baahanyahay inuu fahmo ayaa ah taas xittaa haddii waxyaabaha sababay inay ooyso ay kuula muuqdaan wax yaab leh balse iyaga waxyabahaas yaab lama lahan.

Waana inaadan xukumin ama aadan kula yaabin waxey u ooysay balse adiga kuula muuqda waxaan micno lahayn.

2. Waxaa laga yaabaa inay ooyso markay aragto lamaaneyaal kale oo kalgacayl isku muujinaya

Waa wax yaab leh in qofku ooyo markuu arko lamaaneyaal kale oo jacayl isku muujinaya balse taas iyada ulama muuqato wax fudud.

Waxaa taabtay oo soo jiitay ficilka iyo kalagacaylka ay isku muujinayaan lamaanayaasha kale ee ay aragtay waana waxa sababay inay ooyso. Sidaa darteed hala yaabin.

3. Waa inaad barataa sida loo kala saaro ilmada

Maadaama ay cadahay in haweeneyda ay caado u tahay inay ooyso, waxaad u baahantahay inaad kala saari karto oohinteeda si aad u ogaato haddii ay oohineeda tahay mid farxadeed iyo mid xanuun.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid