XIRIIRKA IYO GUURKA

Dhaqamada Guud Ee Keena Furriinka Iyo Kala Taga Lamaanayaasha

Marka ay noqoto waxyaabaha kala geeya lamaanayaasha, waxaa jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la eego.

Waxyaabaha guud ee saameynaya guurarka badankood ayaa ah sida ragga ay u dhaqmaan.

Dhaqamada waxay caddeeyaan waxyaabo badan maadaama ay ka qeyb qaadan karaan furrin dhex mara labada lamaane.

Waa kuwaan qaar kamid ah dhaqamada caadiga ah ee keena furriinka lamaanaha.

  1. Noqoshada qof aanan waxba cafin

Caadiyan, dadku qaladaad way sameeyaan marar badan sababtoo ah ma jiro qof aanan qaladaad sameynin.

Si lamid ah lamaanayaasha waa kuwo qalad gala laakiin taasi micnaheeda maahan inaan loo cafin.

Noqoshada lamaane aanan lamaanihiisa kale qalad u cafin waxaa hubaal ah inay keeneyso in guurku burburo.

  1. Waxqabad la’aan

Marka raggu ay guursadaan haweenka caadiyan way iska raaxeystaan, iyagoo u maleeya inay mar horeba ciyaarta ku gulleysteen iyo inay hanteen qalbiga haweeneyda.

Waxay hilmaamaan in guurku lamidyahay xiriirada kale ee had iyo jeer lamaanayaasha ku dadaalaan inay hantaan qalbiga midba kan kale.

4 Qaabood Oo Looga Hortago Furriinka & Isku Dhaca Lamaanaha

Haddii aadan ku dadaalin inaad hanato qalbiga xaaskaaga mar waliba waxay taasi keeneysaa inay kugu caajisto isla markaana ay bilaawdo inay qof kale raadsato.

  1. Eed

Khubarada xiriirka ayaa sheegay in dabeecadda ah in qofka eed loo saariyo iyadoo aanan xaqiiq loo heyn ay tahay mid kamid ah waxyaabaha guurka u keena burbur.

Arrinta murugada leh waa dhaqankaas oo ah mid si fudud loo sixi karo adigoo qofka weydiinaya su’aal ku saabsan waxaad ku eedeyneyso sida “ Maxaad xilli dambe guriga u imaataa”.

Aayaha

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid