XIRIIRKA IYO GUURKA

Sababaha Ragga Qaar Aysan Waligood Raalli-gelin U Bixin Xittaa Markay Qaldanyihiin

Xidhiidh kasta, dadku way sameeyaan khaladaad oo laga yaabo in qaarkood lagu xallin karo dambi qirasho fudud iyo raali gelin.

Dadka qaarkood sidaas arrintu lama ahan, hase yeeshe, ragga qaarkood way ku adag tahay inay raali geliyaan xitaa markay khaldan yihiin – ugu yaraan waad ogtahay inay qaldanyihiin.

Kuwani waa qaar ka mid ah sababaha uusan waligiis raalli gelin u bixin;

Wuxuu ka baqayaa in raallingelinta ay u keento eedeymo dheeraad ah

In kasta oo raaligelinta ay tahay fursado lagu xallin karo khilaafaadka dadka dhexdooda ah, hadana waxaa jiraan ragga qaar oo haddii ay raalligelin bixiyaan ka baqaaya inay horseedo eedeymo iyo isku dhac hor leh.

Waxaa xaqiiq ah in qaar kamid ah dadka marka la raalligeliyo ay bilaabaan in qofka ay dusha ka saaraan dambiyo hore sababtaas darteed ayay ragga qaar u diidaan inay qirtaan qalad maadaama qirashadaas ay fursad u noqoneyso qofka kale isla markaana uu bilaabayo inuu dul maro dhammaan dambiyadii hore ee uu qofku diiday inuu sidoo kale raalligelin ka bixiyo.

Raaligelinta wuxuu u arkaa daciifnimo

Nin u haysta in raaligelintu tahay astaan daciifnimo weligiis kaama raalligelin doono qalad uu kugu sameeyay.

Sababta ayaa ah inuu iskala weynyahay raalligelinta isla markaana uu noqonaayo qof liita haddii uu ku dhaho raalli noqo. Sidaa darteed, inuusan raalligelin bixin ayaa ah qaabka uu ku muujiyo inuusan ahayn qof liita.

Uma arko raaligalin sidaad adiga u aragto

Ninka ayaa laga yaabaa in ficiladiisa uusan u arkin sida aad adigu u aragto. Haweenkana waxay raali galinta u arkaan dariiq lagu ilaaliyo xiriirka.

Markay noqoto haweenka aad ayey u badan tahay inay is arkaan iyaga oo raaligalin ka bixinaya arrimo aysan wax shuqul ah ku lahayn iyaga, kaliya si loo ilaaliyo xiriirka. Lkn Ragga qaar sidaa uma arkaan. Cudur daariddu si fudud maahan wax iyaga u gaar ah.

Raallingelintu ma ahan waxay si sahal u sameeyaan

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid