XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Nin Noocaan Ah Waa Inaadan U Ooynin, Waqtigana Aadan Iskaga Lumin

Rag noocyo kala duwana ayaad la kulmi doontaa kahor intaadan guursan.  Ragga qaar uma qalmaan waqtigaaga.

Haddii aad qiimeyso naftaada uma dhiibi doontid qof xun. Waxaad u baahantahay nin wanaagsan oo mar kasta kaa farxin doona.

Waa kuwaan qaar kamid ah ragga oo ay gabar kasta aysan waqtiga iskaga lumin ama ooynin.

  1. Ninka aanan garaneyn waxay haweeneyda u baahantahay

Ninka aanan garaneyn waxay haweeneyda ama xaaskiisa u baahantahay waa mid aanan u qalmin gabar kasta.

Mar dhif ayuu si wanaagsan kuula dhaqmaa. Rag badan oo noocaas ah ayaa iska dhiga kuwo jecel haweenka balse taasi maahan mid run ah.

La hasaawidda nin noocaas ah oo qasaarinta waqtigaaga. Waxaad u baahantahay inaad ogaato inaad mudantahay qof ku wanaagsan nolosha.

  1. Qiyaanoole

Nin qiyaanoole ah maahan nooca kugu habboon adiga iyo gabar kasta. Haweeneyda wanaagsan waxay u baahantahay nin daacad ah.

La haasaawidda nin qiyaanoole ah wuxuu nolosha kaaga dhigi karaa mid adag. Raadso qof ku garab istaagi doona mar kasta. Hubi inuu fahmo baahiyahaaga isla markaana qadariyo fikradahaga.

  1. Nin maqane jooga ah

Ragga qaar waa kuwo maqane joogayaal ah ama shucuur ahaan maqan. La haasaawidda ragga noocaas ma sahlana.

Ninka noocaas ah shalaay ayuu kaaga tagayaa. Waxaad u baahantahay inaad la haasaawdo qof kaa dhoolla cadeysiin doona. Nin aadan isku halleyn waa mid ugu dambeyn ku dhaawici doona.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid