Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

Afar Calaamadood oo Haweeneyda ay lasoo baxdo marka ay ninka nacdo

Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa calaamado ay haweeneyda lasoo baxdo marka ay ku nacdo

1- Waxay u badantahay in mararka qaar ay kaa qabato balse intabadan aysan kaa qaban wicitaanada taleefanka, marka aad weydiisid sababtana raalli galin walba ayay sameysaa.

Haweeney ku jecel had iyo jeer waqti ayay kuu sameysaa.

2- Hagaag, qalad ma ahan in lamaanaha midba midka kale uu taleefankiisa ama Kumbiyuutarkiisa isticmaalo haddii aanan waxba la iska qarineyn haddii ay kuu diido isticmaalka taleefankeeda, daneey leedahay.

3- Lamaan kugu faraxsan waxay had iyo jeer qiimeyneysaa dadaalkaaga, marka ay bilaawdo inay rag kale ka hadasho ama ay bilaawdo in tiraahdo hebel lacag ayuu leeyahay hebal gaari ayuu leeyahay, waa inay ku quseysaa arrintaas waxan ula jeedaa haddii ay waalato waa inay xadkeeda ka tallaabin isla markaana rag kale kula bar bar dhigin haddii taasi bilaawdo way kugu daashay inay kaa tagto ayay rabtaa.

4- Marka ay haweeneydaada bilaawdo inaysan kula hadlin oo ay noqoto qof aamusan oo aanan daneyneyn hadalkaaga tilmaamta ayaa waxa ay tahay  inay ku nacday isla markaana ay dooneyso inay kaa dhaqaaqdo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid