XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 14 Calaamadood Oo Lagu Garto In Ninkaaga Uu Yahay Mid Aad U Wanaagsan

Gabdho, waa kuwaan 14 sifood oo muujinaya in seygaaga uu yahay mid aad u wanaagsan.

1. Waxaad heysataa nin aad u wanaagsan haddii ninkaaga uu ku garab istaago marka uu culeys kusoo wajaho. Kaligaa culyeska kuguma dhaafo.

2. Waxaas heysataa nin aad u wanaagsan haddii ninkaaga uu ku xushmeeyo isla markaana wax walbo oo dhaca uusan ku aflagaadeyn. Ninka cajiibka ah marnaba ma rabo inuu ku dhaawaco.

3. Waxaad leedahay nin aad u wanaagsan  haddii ninkaaga uusan waxba kaa qarin. Waa mid mar walba kuu furan oo kula wadaaga dareenkiisa. Waxba kaagama qariyo taleefankiisa, kaamana ilaaliyo taleefankiisa.

4. Waad heysataa nin aad u wanaagsan haddii ninkaaga uu mar walbo daacad kuu yahay. Waligiis been kuuma sheegaayo xittaa haddii uu ku baxsanaayo beenta.

5. Waxaad leedahay nin aad u wanaagsan haddii uu kuu sheego haddii ay jiraan waxyaabo dhibayo isaga.

6. Waxaad heystaa nin aad u wanaagsan haddii ninkaaga uusan kaa qaadin ballamo been ah. Wuxuu ogyahay in ficilka uu hadlo marka la eego ereyga, waana mid had iyo jeer ballamaha ilaaliyo.

7. Seygaaga waa mid aad u wanaagsan haddii aadan ku qanacsaneyn meelaha uu aado ama waxyaabaha uu sameeyo qaarkood balse uu isku dayo inuu isbedel sameeyo.

8. Seygaaga waa mid aad u wanaagsan haddii uu qirto qaladaadkiisa isla markaana uu qaato masuuliyadda qaladaadkaas ama dambiga.

9. Seygaaga waa mid aad u wanaagsan haddii mar kasta uu raadiyo qaabab uu kaaga farxiyo.

10. Seygaaga waa mid aad u wanaagsan haddii aad kalsooni ku qabto.

11. Ninkaaga waa mid aad u wanaagsan haddii uu kuu arko haweeney qurux badan. xittaa maalmaha kuugu xun, wuxuu kuu arkaa wali mid qurux badan.

12. Seygaaga waa mid aad u wanaagsan haddii uu si buuxda kuu xushmeeyo isla markaana uusan ku qiyaanin. Wuu ogyahay inaad wax walbo uu haween uu ka rabi lahaa aad u heysid.

13. Lamaankaaga waa mid aad u wanaagsan hadduu kugu dhiiri geliyo inaad noqoto qof aad u wanaagsan intii xadkaaga ah.

14. Lamaankaaga waa mid aad u wanaagsan haddii uusan marnaba kuu ogolaan inaad hilmaamto qiimaha jeceylka uu kuu qabo inta uu la egyahay.

Seygaaga/ma yahay aad u wanaagsan?

Related Articles

One Comment

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid