CAAFIMAADKA

Wax Ka Ogoow Faa’idooyinka Laga Helo Dhagayaraha

Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm.

Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein.

Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha

✓Waa xanuun baabiye.

✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka.

✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis.

✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma).

✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka.

✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka.

Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo xanuunada ku dhaca saableyda (internal organ).

Sidoo kale dhagayaraha wuxuu kor u qadaa xasuusta (memory) iyo garashada qofka sidoo kale dhagayaha wuxuu kor u qadaa difaaca unigyada yar yar ee jirka ku jira.

La sii wadaag Qoyskaada/Asxaabtaada

W/Q:Dr.Cadceed

Related Articles

Check Also
Close
Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid