CAAFIMAADKA

Cabidda Kafeega badan oo dhibaatadaan u geysata Ragga (Daraasad)

Haddii aad tahay nin caba kafee badan, markaa waxaan u maleynayaa inaad ku qasabantahay aqrinta warbixintaan,  Sida lagu sheegay daraasad la sameeyay, cabitaanka qaxwada badani waxay si aad ah u yareeyn kartaa kartida uu ninka aabe ku noqon karo.

Daraasadan ayaa waxaa fuliyay cilmi baarayaal ka tirsan Cusbitaalka Guud ee Massachusetts, Boston waxayna cilmi-baarayaashu  aaminsanyihiin in Kafeega uu waxyeeli karo shahwada ninka.

Daraasadu waxay eegtey 105 rag ah kuwaas oo haweenkooda  ay ku jireen qeybta bacriminta wax soo saarka ugxaanta Isbitaalka guud ee Massachusetts intii u dhaxaysay sanadihii 2007 iyo 2013. Iyadoo isku celcelis raga daraasan ay baartay ay ahaayeen 37 jiro.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarista, ragga cabba laba ama kabadan oo qaxwo ama Kafee xooggan maalin kasta ay shantii fursad hal fursad ku helayaan in ay noqdaan aabe iyada oo loo marayo habka bacriminta wax soo saarka ugxaanta halka kuwa cabba wax yar ay fursad u heystaan in 52 boqolkiiba ay aabe noqdaan ama wax dhalaan.

Dr Anatte Karman oo ah dakhtaradda  hogaaminayay daraasaddan kana tirsan isbitaalka guud ee Massachusetts ayaa tiri  “Isticmaalka kafeega  ayaa u muuqda in uu yareeyo fursadaha lammaanaha ay ku heli karaan uurka “.

Dr Anaette Karman ayaa kula talisay ragga in ay ilaaliyaan qaab nololeed caafimaad leh haddii ay rajeynayaan inay noqdaan aabayaal.

“Wax kasta oo u wanaagsan caafimaadkaaga ayaa sidoo kale u fiican bacrimintaada” ayay hadalkeeda sii raacisay Dhaqtaradda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid