XIRIIRKA IYO GUURKA

Saddexdaan arrimood hadaad ku aragto wiil ama gabar aad guur ku ballanteen, mar labaad ka feker

Farxadda ay wadato in guur lagu ballamo waxay noqon kartaa mid muddo gaaban jirta haddii lamaankaaga/lamaantaada ay si dhaqsi ah isku bedesho.

Halis uma bareeri kartid marka ninka ama naagta ay rabto inaad guursato ay bilaawdo u dhaqmidda si aadan fileyn.

Waxay ubadantahay inaad ka shalaayso go’aanka aad ku guursaneyso isaga/iyada haddii aad calaamadahan soo socda ku aragto.

  1. Qiyaano

Waxaad halis ugu jirtaa inaad guursato lamaan qiyaanoole ah. Haddii aad xaqiiqsato in gabadha aad dunida ugu jeceshahay ama wiilka uu ku qiyaanayo, fadlan si fudud uga laabo ballankii ahaa inaad isguursaneysaan.

Way iska cadahay xittaa inaadan la kulmin kahor inuu ahaa qiyaanoole. Qiyaanoolaha wuxuu noqon doonaa qodax kugu taagan dhib malahan sida adage e aad iskugu daydo inaad ka farxiso.

  1. Haka ogolaan galmo

Galmada guurka kahor ah waa mid halisteeda leh, waana xaaraan, ninka isagoo aan kugu guursan ku weydiiya inuu kuu galmoodo ama kuugu carooda hadaad caqli leedahay waa mid ku caddeeyay inuusan kaa rabin guur iyo mustaqbal isla markaana uu dan gaar ah leeyahay haddii aad u fulisana uu meel cidla ah kaaga dhaqaaqayo, sidaa darteed ka feker intaadan ka ogolaan haddii kale qofka hadhoow shalaayi doona waa adiga, isagana howlihiisa iyo noloshiisa ayuu si caadi ah ah iskaga wadan doonaa.

Waligaa waqti ha iskaga lumin nin noocaasa. Waxaa kuu wanaagsan inaad ka raadsato qof wanaagsan oo anfacaya noloshaada.

  1. Ixtiraam la’aan

Wiilka aad jeceshahay ama gabadha aad jeceshahay ee aad guursan rabto maku xushmeysaa? Calaamad kasta oo muujineysa ixtiraam la’aan waa inaadan indhaha ka daboolan.

Isaga ama iyada waxay u badantahay in dabeecaddaas ay guurka la gasho, markaas kadibna shalaay ayaad kula noolaan doontaa inta noloshaada ka dhiman.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid