4 Sirood Oo Ay Tahay Inaad Mar Waliba Ka Qariso Lamaanahaaga

La wadaagidda siraha lamaanahaaga waa wax wanaagsan maadaama ay xoojiso kalsoonida idinka dhaxaysa labadiina.
Si kastaba, waxaa jira siro ay tahay inaadan waligaa lawadaagin lamaanahaaga. Taas waxaa sabab u ah, inaad qaar kamid ah siraha la wadaagtid lamaanahaaga ayaa ah mid dhibaato u keeneysa xiriirka.
Waa kuwaan qaar kamid ah siraha ay tahay inaad ka fogaatid la wadaagitaanka lamaanahaaga.
- Taariikhda galmada
Taariikhda galmada waa inay noqotaa mid kuu qarsan oo aad la dhimato isla markaana waligaa aadan la wadaagin lamaankaaga/lamaantaada.
Sababta ayaa waxa ay tahay inaad la wadaagto sirta noocaas ah lamaankaaga ayaa keeni karta inuu kaa fogaado ama ku naco.
- Inaad necebtahay xubin kamid ah qoyskiisa/qoyskeeda
Qofna ma jeclaan karo dhammaan qoyska lamaanihiisa, balse mar kasta waxaa talo wanaagsan ah inay kuu qarsanaato haddii aad necebtahay oo aadan jecleyn qof kamid ah qoyskiisa/qoyskeeda.
- Inaadan jecleyn wax, dabeecad ama dhaqan uusan iska bedeli Karin
Mar kasta waxaa jira wax quseeya lamaanahaaga uusan iska bedeli Karin. Sikastaba, haddii ay kugu dhacdo inaadan waxaas jecleyn, waxaa wanaagsan inaadan u sheegin maadaama aad ku qasbeyso isaga/iyada iska dhigto qof waxaas bedelay ama iska dhaafay markaad la joogtid.
- Inaad aaminsantahay in mid kamid ah saaxiibadiis uu yahay cajiib
Haddii ay dhacdo in mid kamid ah saaxiibada gacalisadaada/gacaliyahaaga uu yahay qof cajiib oo shidan, waxaa wanaagsan inaad sir ka dhigatid ama qarsatid maadaama ay u badantahay inuu maseero haddii ay dhacdo inaad u sheegto.
Digniin: Website-yada iska qaato wararka Aayaha, ogolaansho la’aan waxaa qabanaya sharciga Copyright infringement.