XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Faa’iido Oo Lamaanaha Ugu Jirto Inay Iskool-kooliyaan Maalin Walba

koolkoolintu waxay la timaadaa faa’iidooyin badan oo yaab leh, waana kuwan sababaha ay tahay inaad u koolkooliso lammaanahaaga maalin kasta.

1- Yareynta cudurada Wadnaha

Kool-koolinta ayaa la ogaaday inay hoos u dhigto khatarta cudurrada wadnaha. Cudurada ay ka midka yihiin dhiig-karka, walbahaarka, welwelka oo keena cudurrada wadnaha ayaa yaraada markii lagu koolkooliyo.

2- Xoointa xidhiidhka lamaanaha

Waa inaad koolkoolisaa lamaanahaaga ugu yaraan toban daqiiqo maalin kasta haddii aad rabto inaad sii adkeyso xidhiidhkiina. Qubarada arrimaha xiriirka lamaanaha ayaa sheegeen in iskoolkoolintu ay kor u qaado kalsoonida waxayna keentaa in lamaanuhu ay isku kalsoonaadaan.

3- Xasilooni iyo wanaag

Koolkoolintu waxay soo saartaa hoormoon loo yaqaan ‘oxytocin’ kaasoo ku siinaya dareen wanaagsan oo kor u qaadaya daganaanta. Iskool-koolintu waa hab cajiib ah oo aad ku qabooin karto xidhiidhkaaga.

4- Difaaca jidhka

Koolkoolinta ayaa sare u qaadaa habka difaaca jirka sababtoo ah waxay kaa caawinaysaa in aad nasato oo aad hoos u dhigto hormoonka walaaca ee cortisol, kaas oo wax u dhimaya shaqada habka difaaca jirka.

5- Yareynta walaaca

Sababta kale ee ay tahay inaad isku koolkoolisaan maalin kasta ayaa ah in koolkoolintu ay kaa caawinayso yareynta walaaca. Iskool-koolintu waxay la dagaalantaa saamaynta walbahaarka iyadoo hoos u dhigaysa heerarka hormoonka walaaca ee cortisol.

6. Xidhiidh wanaagsan

Xidhiidhku waxa uu muhiim u yahay lamaanaha iyadoo koolkoolintu ay kaa caawinayso in aad la xidhiidho oo aad wax la wadaagto lamaanahaaga heer shucuureed oo qoto dheer.

Inaad wada sheekeysataan adinkoo gacmihiinu isku duubanyihiin ayaa kaa caawin doonta inaad si furan iyo si dhow ula xidhiidho lamaanahaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid