Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 6 Nooc Oo Ragga Kamid Ah Oo Ay Tahay Inaad Ka Fogaatid

Haddii uu ninka lasoo baxo calaamadahaan kulanka ugu horeeya ee haasaawaha kuuma qalmo ee ka fogoow.

  1. Ragga aan isxakameyn karin

Ninka marka ugu horeeysa ee hasaawaha gacmo gacmeys bilaaba wuxuu kuu sheegay halka uu xiriirka u socdo, ninka aanan is xakameyn Karin kulanka ugu horeeya ee shukaansiga waa mid xiriirka dhan ka dhigaya galmo ama raaxo oo aanan dan kale lahayn,waxaana kasii daran inay u badantahay inuu ku qiyaanayo.

  1. Ragga beenaalayaasha ah

Nin kasta oo been kuu sheega kulanka ugu horeeya ee hasaawaha ama shukaansiga waa kana ad u baahantahay inaad iska ilaalisid, nin aanan daacad noqon kulanka ugu horeeya ee shukaansiga wuxuu wax badan kaaga sheegay shaqsiyaddiisa, qofka uu yahay iyo waxaad ka filan kartid xiriir aad la sameysid.

  1. Ragga aanan masuuliyadda qaadin

Ninka ka labalabeeya inuu qaado masuuliyad kulanka ugu horeeya ee haasaawaha ma qaadi doonto masuuliyad markaas kadib.

  1. Kan hooyadiis wali ku hoos nool

Ninka wali kuhoos nool hooyadiis ee aanan korin isla markaana ah hooyo canjeero isii had iyo jeer sidaas ayuu ahaanaa waana mid aanan macquula ahayn inaad la yeelatid mustaqbal qurux badan, sababtoo ah wax kasta waa wax dusha ka saran hooyadiis.

  1. Ninka dabeecadda xun

Ninka hore kaa tusa dabeecaddiisa xun sida caro deg deg ah, aanan isxakameyn Karin ama ilaali Karin dhaqankiisa waa ninka aad u baahantahay inaad iska ilaalisid,wuxuu noqon karaa kuwa haweenka garaaca.

Ragga dabeecadahaan lasoo baxa marka ugu horeeysa wa kasii darayaan marka uu xiriirka si dhab ah u bilaawdo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid